Home » Entries posted by Hussein Xalane (Page 3)
Entries posted by Xalane
MD Farmaajo Oo Ka Hadlay Cunaqabateynta Laga Qaaday Dalka Eriteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee […]

Continue reading …

Kooxda Kormeerayaasha Qaramadda Midoobay ee Cunaqabataynta Hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa la filayaa inay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay caawa go’aamiyaan in Guddigaas la kala diro. Xubnaha Guddigaas waxay kaloo cunaqabataynta hubka ka qaadi doonaan dalka Eritrea oo horey loogu soo rogay. Bishii July 10-dii ee sanadkan ayey Dowladda Ethiopia ka codsatay Golaha […]

Continue reading …
Ciidamada NISA Oo Muqdisho Ku Qabtay Xubin Ka Tirsan Daacish-Ta Somalia

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay inay Gacanta ku dhigtay Xubin muhiim ah oo ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Hay’adda NISA oo la soo dhigay Barta twitter-ka ayaa lagu sheegay in howlgal laga sameeyay muqdisho lagu qabtay Xubintaas oo Kooxda Daacish u qaabilsanaa u kala gudbinta Dhaqaalaha Wadamada kale […]

Continue reading …
DAAWO:- Soomaaliya oo isku Diyaarisay Shir Deynta Looga Cafinayo oo Lagu Qabanayo Nairobi & Wasiir Bayle oo sharaxay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda. Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo natiijada kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay intii kulanku uu socday in kulankii maanta looga hadlay meesha uu […]

Continue reading …
Qaramada Midoobay oo Maanta Eritrea ka qaadeysa Cunaqabateynta Dhanka hubka

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay u codeeyaan in dowladda Eritrea laga qaado cunaqabateynta hubka ee horay loogu soo rogay. Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ku dhawaaqay  in kala diray Kooxdii Dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea u qaabilsaneyd Qaramada Midoobey. 15ka Dal ee Xubnaha ka […]

Continue reading …
Maxaa ka Cusub Maanta doorashadda Madaxtinimadda Koonfur Galbeed?

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in dib loo dhigo doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed. Doorashadda ayaa lagu waday in ay dhacdo 17-ka Bishaan oo ay ka dhiman tahay 3 maalin oo kaliya, waxaana lagu waddaa in Guddiga […]

Continue reading …
Golaha Shacabka oo maanta Cod u qaadaya ku noqoshada Miisaaniyadda

Xildhibaanada Golaha Shacabka Barlamaanka  Soomaaliya ayaa maanta kulan ka yeelanayo u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 taas oo xubnaha Golaha Shacabka ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda.   Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay dood […]

Continue reading …
Sawirro:- Dowladda Soomaaliya Oo Xabsi Ku Yaalla Dalka Uganda Ka Soo Deysay Muwaadiniin Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Xabsi ku yaalla Dalka Uganda ay ka soo deyso  6 Muwaadin oo Mudo 4 sano ku xirnaa Xabsi ku yaalla dalkaas. Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa ku eedeysanaa dambiyo kala duwan,waxana ugu dambeyn lagu guuleystay in Xabsiga laga soo daayo. Lixdaan Muwaadininta Soomaaliyeed ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa 1-Mohamed ahmed […]

Continue reading …
Howlgal Dad Lagu Qabtay Oo Laga Sameeyay Magaaladda Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qabqabtay waxa ay ka sameeyaan Xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir. Howlgalka ayaa ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,iyada oo degmadaas shalay uu ka dhacay dil loo geystay mid ka mid ah Shaqaalaha Maamulka degmada Waaberi. Saraakiil ka tirsan Ciidanka booliska ayaa […]

Continue reading …
Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay dabkii ka kacay Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa faahfaahin ka bixiyay dab saakay ka kacay Maqaayad ku taalla Gudaha Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Wasiirka waxaa uu sheegay in maqaayadda qeyb ka mid ah ay gubatay,islamarkaana lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo. Waxaa uu sheegay in aysan jirin cid wax ka noqotay […]

Continue reading …