Home » Archives by category » dhacdooyinka (Page 2)
DHAGEYSO: Hirshabeelle oo sheegtay in dhaqaallo lagu bixinaayo Maleeshiyaadka ku Dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Warar Naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyo u abaabulan qaab beeleed ay wali ku dagaallamayaan degaano hoos yimaada degmada Maxaas. Ku dhawaad 15 qof ayaa ku dhimatay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana maamulka gobolka iyo Waxgaradka Hiiraan ay ku fashilmeen haginta dagaallada ka socda duleedka degmada […]

Continue reading …
Heshiiskii Ay DFS La Gashay 31 Shirkado Kalluumeysi Oo Digniin Laga Soo Saaray

Wargeyska Quartz oo ay Xarumihiisa Dhexe ku kala yaallaan magaallooyinka New York iyo London waxa uu maanta Warbixin dheer ka qoray Heshiiskii ay DFS la gashay 31 Shirkado Kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, kuwaasi oo loo fasaxay inay muddo sannad ah ka kalluumeystaan Badda Somalia oo ah tan ugu dheer Qaaradda Afrika. Wargeyska waxa uu […]

Continue reading …
Digniin Loo Diray Ciidamada Amniga Iyo Musharixiinta Madaxweynaha Puntland (DHAGEYSO)

Kadib kulan looga hadlayay Amniga oo ahaa mid deg deg ah laguna qabtay Magalada Garoowe ayaa waxaa laga soo saaray Amaro ku socda Ciidamada Puntland iyo musharixiinta Madaxweynaha Maamulkaas. Wasiirada Amniga,Warfaafinta iyo taliyaha Ciidamada Amniga doorashada Puntland ayaa siwadajir ah u soo saaray Amaradaas oo inta badan ku saabsanaa sugida Amniga. Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland […]

Continue reading …
Waa Kuma Wasiirka Dawladda Eritrea Ee La Dhaawacay?

Wasiirka Macdinta iyo Tamarta Eritrea General Sibhat Efrem ayaa la sheegay inuu dhaawacay shaqsi aan haybtiisa la garan, dhaawac culus oo soo gaaray dartiina dibadda loola cararay. Dowladda Eritrea inkasta oo ay si rasmi ah uga hadlin dhawaca wasiir Efrem loo geystay haddana Danjiraha Eritrea u fadhiya Japan Danjire Istifaanoos Afawarqii oo cambaareeyey dhaawaca loo […]

Continue reading …
Sawirro:- Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Kormeeray Tiyaatarka Qaranka

Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah. Xilligii uu Ra’iisul waasraha ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadad Soomaaliya oo halkaasi ka waday shaqa Maalmeedkooda Is-xilqaan, taasoo qayb ka ah […]

Continue reading …
Milliteriga Burundi Oo Ka Hor-yimid Qorsho Lagu Daad-Gureynayo Ciidankooda Jooga Somalia

Afhayeenka Ciiddanka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke waxa u ugaashaanka ku dhuftay Codsigii  Ururka Midowga Afrika ee ku aadan in 1,000 ka tirsan Askarta Burundi ee ka jooga Somalia in laga daad-gureeyo bisha Feberaayo 28-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka. War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Milliteriga Burundi  waxa uu sheegay inay ka codsan doonaan Dowladooda […]

Continue reading …
DAAWO:- Dowladaha Soomaaliya Iyo Sacuudiga Oo Ku Heshiiyay Kordhinta Xujeyda Ee Sanadka Soo Socda

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi. Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax […]

Continue reading …
DHAGEYSI:- Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Duleedka Maxaas

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa waxa uu ka hadlay dagaal laba Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Waxa uu sheegay (Dabageed) in uu dhaqanka beelaha dagaalamay uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi,isla markaana xal laga gaaro dagaalkii dhexmaray laba beelood ee xoolo dhaqato ah. Guddoomiyaha […]

Continue reading …
Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday Dhaawacyada Qaraxyadii Shalay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay Al-shabaab ay  ku laayeen dadka shacabka ah. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Digfeer oo la dhigay dadka ugu […]

Continue reading …
Qaramadda Midoobayy, AMISOM Iyo Dowlado Si Kulul U Cambaareeyey Qaraxyadii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Dowladaha Turkiga, Sacuudiga, Baxrayn iyo kuwo kale waxay soo saareen Qoraallo ay ku cambaaraynayaan qaraxyadaasi, waxayna sheegeen inay DFS la garab taagan yihiin sidii wax looga qaban rabshadaha iyo qaraxyadda ka dhaca Somalia. Bayaan ka soo kala baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibedda ee dalalkaasi waxa uu mid kasta si gaar ah u cambaareeyey Qaraxyadaasi sababay dhimashada, […]

Continue reading …