Home » Archives by category » dhacdooyinka (Page 308)
Amar deg deg ah uu bixiyay R.W Kheyre oo Kumanaan Shaqaala ah ka Farxiyay

Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tagay Bangiga dhexe ee Xamar ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay bixisay Mushaaraadka shaqaalaha iyo Ciidamada Dowladda 5-tii bilood ee ugu dambeysay. Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre uu Bangiga ku bixiyay Mushaaraadka […]

Continue reading …
SAWIRRO: Wasiir Juxa oo la kulmay Waxgaradka Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa halkaasi kulan kula qaatay Waxgaradka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug. Sida waxgaradka ay Risaala u xaqiijiyeen wasiirka ayaa waxgaradka kala hadlay nabadeynta Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale sidii looga hortagi lahaa in markale Gaalkacyo uu dagaal ka dhaco. Waxgaradka ayuu […]

Continue reading …
Puntland oo ka digtay Qaraxyo ka dhaca Gaalkacyo+maqal

Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ammaan ee magaalada Gaalkacyo, kadib heshiis dhexmaray maamulada Puntland iyo Galmudug. Heshiiska labada dhinac dhexmaray ayaa saldhig u ahaa xal u helida xaalada ammaan magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug. Waxa uu sheegay Taliyaha in laamaha kala duwan ee amniga […]

Continue reading …
Dalka Sacuudiga waxaa kulmay labada amiir ee la isku badalay

Amiir Maxamed Bin Salmaan(bidix) wuxuu badalayaa Amiir Maxamed Bin Nayef(midig) oo lahaa dhaxalka boqortooyadaLahaanshaha sawirkaEPA Amiir Maxamed Bin Salmaan(bidix) wuxuu badalayaa Amiir Maxamed Bin Nayef(midig) oo lahaa dhaxalka boqortooyada Dhaxal sugaha cusub ee la magacaabay ee dalka Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salman ayaa la kulmay ninka uu sida lama filaanka ah u badalay ahna ina-adeerkii […]

Continue reading …
Shir maanta ka furmaya Uganda

Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda maanta waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arrimaha Qaxootiga, sida horeyba loo sii shaaciyay. Magaalada Kampala ee dalka Uganda shalay waxaa tagay Madaxweynayaasha dalalka Gani Alfa Victor Okong’o, Madaxweynaha wadanka Gabon Ali Bongo, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), kan Zambia Edgar Lungu, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Xoghaya […]

Continue reading …
R/Wasaare Khayre:  oo la shiray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Todobaadlaha ee masuuliyiinta sare ee Maamulka Gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku Xigeenadiisa iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka kala hadlay dardar gelinta howlaha amniga ee degmooyinka Gobolka Banaadir ka socda. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Masuuliyiinta Gobolka kala hadlay iney ka […]

Continue reading …
Maxamed Aadan Cali Barrow oo dil lagu xukumay+Dhageysi

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun ku riday nin Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed 6-dii Bishan June Masaajid ku yaalla Magaalada Baydhabo ku dhex dilay Sheekh Maxamed Madeer oo Xilligaas Tukanayay Salaada Taraawiixda. Maxkamadda ayaa shalay shaacisay in ay soo gaba gabeysay dhageysigii dacwadda raggii ka dambeeyay dilkii loo geystay Sheekh […]

Continue reading …
Fanaaniinta soo gaaray Muqdisho+DAAWO SAWIRRADA

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Fanaaniin uu ka mid yahay Cabdi Holand oo ah Fanaan Soomaaliyeed iyo sidoo kale Cabdi Wahaab Booska oo ka mid ah Fanaaniinta. Ujeedka Fanaaniintaan ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ayaa ah inay dhigeen Bandhig Faneed ku aadan Ciida Magaalada Muqdisho oo ay inaga xigaan kaliya maalmo kooban. Afhayeenka Maamulka Gobolka […]

Continue reading …
Ninkii lahaa dhaxalka boqortooyada Sacuudiga oo la eryey

Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddelay qaabka dhaxalka boqortooyada, isagoo wiilkiisa, Maxamed Bin Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada. Ninkii dhaxalka boqortooyada lahaa, amiir Maxamed Bin Nayef, ayaa darajadaas laga xayuubiyey, waxaana laga eryey wasiirnimadii wasaaradda arrimaha gudaha. Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah ayaa sii hayn doona wasaaradda […]

Continue reading …
R/ Wasare: Kheyre oo la kulmay Hay’addaha Ammaanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan deg deg ah waxaa uu la qaatay Hay’adaha Ammaanka ka dib markii Qarax uu shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Hay’adaha kala duwan ee Ammaanka wax ka waydiiyay Qaraxii ka dhacay degmada Wadajir ee ay ku dhinteen dadka badan. Mas’uuliyiinta uu la kulmay Ra’iisul […]

Continue reading …