Arrimaha Gudaha Arrimaha Dibadda Bulsho & Barbaarin Dowladnimo & Xeer wax lala yaabo Faallo ??? ← Previous Post Next Post → MURTIDA MAANTA: JIIFKA JIIF BAA KAAGA HORREEYEY

Filed under: CIYAARAHA |

Jiifka Jiif Baa Kaaga Horreeyey, waa maahmaah xambaarsan murti xeel dheer.
Bal an isku dayno inaan sheegno wixii ay ku baxday – markeedii hore.

Waxaa la yiiri, nin dhabbe haya ayaa ku yimid nin doc u yaal oo jiifa dhabbadii dhexdeeda. Wuxuu weydiiyey sababta u ujiifo waddada/jidka/dhabbada. Wuxuu yiri gaajo awgeed ayaan meesha la jiifaa.
Markaas ayuu ku yiri wallee jiifka jiif baa kaaga horreeyey, taasoo u ka wado awal baad ma-shaqayste ahayd. Ama hore ayaadan u shaqaysan. Ama hore ayaad u jiifi jirtey, intaad shaqaysan lahayd. Halkii ayuuna kaga dhaqaaqay.

Si kastaba ha ku baxdee waa murti wax laga baran karo. Waxaa laga baran karaa, in ciddii an marka hore dedaalin oo shaqaysani la kulmi karto cawaaqib xumo, silic, gaajo/macaluul iyo waliba yasid la yaso, sida ku dhacday ninkii ay ku baxday maahmaahdu.

Sidoo kale, bulshadii an marka hore ku dedaalin danteeda guud, horumarkeeda midnimadeeda iyo mustaqbalka ubadkeeda, waxay mudataa dhibaatooyin badan oo kala duwan, sida dib u dhac, aqoon yari, fakhri, baryo aadane/asaagged, maamul-xumo  musuqmaasuq,iyo magaaladoodii eey marti ku noqdaan kuwaasoo bulshada dhexdeeda ku beera iimaan la’aan, is-necayb iyo in dadku noqdo wax an qaymo lahayn, hadday noqoto dhiiggiisa, sharaftiisa, codkiisa, xuquuqdiisa iyo karaamadiisa.

Haddii si kale oo kooban loo sheego murtida ku jirta maahmaahdaan: “dedaal intuusan ku dhaafin wakhtigu ama jaanisku”. Waxaa imaan karta su’aal ah ‘maxaaa lagu dedaalayaa’?
Waxaa lagu dedaalayaa wixii muhiim u ah mustaqbalka, si aan hadhoow loo shallaayin – goor an waxba laga gaarin – oo ay xeero iyo fandhaal kala dheceen.

FAAFANNEWS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *