Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya Oo Ku Guuleysatay Xallinta Khilaafkii Maamul Ee Ka Jiray Magaaladda Baraawe

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,RADIO WADANI |

Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Xasan Cali nuur Shuute ayaa wax ay kulan la qaateen Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Baraawe iyo saraakiisha ciidamada.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa xalinta muran dhinaca maamulka ah oo ka jiray degmada Baraawe taas oo keentay inay soo farageliso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Maxamed Nuur(Sandheere) ayaa sheegay in goob fagaaraha ay xilalkii u kala wareejiyeen guddoomiye ku xigeenada degmada oo uu markii hore khilaafka uu ka bilaawday.

 

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Cabdullaahi Buule kameey ayaa sheegay inay diyaariyeen qoraalo ay kala saxiixanayaan labada masuul,isla markaana ay u gudbin donaan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *