dhibaatada dhalinta DDSI oo maalinba maalinta ka danbeysa soo badaneyso

Filed under: CIYAARAHA |

Waa fiid sacada afirkada waqooyi ay tahay 7:30 fiidnimo maskaxdan yar oo i saran waxbadan aya ka guuxaya waxan jeclsetey in aan wax yar ka qoro dareenkeyga waxaan ku jira qol yar  korontaduna waa densan tahay waxa kaliya boqol mitir ii jirta bada cad oo kala qeybisa africa iyo yurub waxa dariishad iiga soo galeysa neecowda ka imanaysa bada magalada aan ku noolahay waxa ku nool dad carab badiya ah oo aad u dhaqan qalfsan waxa adag in aad magadla maalin iyo habeen goorta aad u baxdo inaad ku arkin ruux dumar ah  o socota , kaliya waxad arki karta duq 60 ilaa 80 sano  jir ah ama dhoocil 3 ilaa 6 sano jir ah inta waxa u dhexeysa guriga gudeihiisa ay ku xiran yihiin , waa maagalo dadka ku nooli ad u midab takooran dadka aan la midab ka ahayn ama dadka madow inkasta oo  marka aad suuq u baxdo aad arkeysid dhalin yar dadoodi u dhaxeyso 14 ilaa 34 oo tahriibayaal  derbi walba fadhiyan iyagoo oo hamigoodu yahay sidii ay uga gudbi lahyeen bada dhexe ama bada cad si ay u aadaan dhulkii balan ta (yurub) waa nolol aad u yaab , qiiro , baahi iyo su’aal badan lakiin dadka muhaaijirka ahi mid walba oo kamid ahi wuxuu heysta qiso u gaar ah o ta saxiibkiis ka gedisan hiigsi u gaar ah iyo bartil maameedkiisuna u gaar yahay inkasta oo ay adegtahay sida ay uu ugu guuleysan karaan in ay gaadhaaan hiigsigoda hadana dhamaan tood waxa ay leeyihiin go’aan adag oo ku wajahan hiigsigooda waxanay u diyaar yihiin wax walba marka aad weydiiso waxay kuu sheegeyaan in ay ku soo talo galeen guul iyo guul daro . waa mid igu keenta in aan iska weydiiyo su’aalo badan jawaabtooduna waxay ku soo biyo dhacsataa dad wayay cadalad dhulkoodii hooyana ay ka soo wadey musmaasuq , xabsi eey si sahalan ku galayaan ,shaqa la,aan iyo sinaan la’aan iyo nolosha qalafsan ee degaanka ay ka soo carareen ….!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *