SADDEXDAAN HAY’ADOOD WAA IN MID WALIBA U MADAX-BANNAAN TAHAY SHAQADEEDA

Filed under: CIYAARAHA |

1. Hay’adda Golaha Shacabka = Xilkeeda: Xeer Dejin ama Xeer Samayn
2. Hay’adda Golaha Dowladda/Golaha Wasiirrada = Xilkeeda: Ku shaqayn xeerarka u degsen ama u yaal dalka
3. Hay’adda Garsoorka = Xilkeeda: Xoojinta, dhowrista iyo ilaalinta xeererka u yaal dalka.

Waa saddex hay’adood ama saddex awoodood oo dowladeed.
Masal: Dadweynaha Soomaaliyeed waligiis kulama xisaabtamin madaxdiisa kala madax bannaanida iyo xilgudashada hay’adahaas. Sabab?

Waxaa kaloo lagama-maarmaan ah inay jirto awood 4aad oo madax bannaan, taasoo an ahayn hay’ad dowladeed.
Waa bahda saxaafadda ama ilaha war-baahinta – nooc kasta oo ay yihiin. Waayo warbaahintu waa waxa kaliya oo dadweynbaha iyo adduunkaba tusa u muujiya, sida ay u shaqeeyaan (sax ama qalad) saddexda hay’adood oo dowlo oo an kor kuy soo sheegnay.

Sidaasi waa sida adduunka intiisa kale looga dhaqmo iyo sida ay u dhisan yihiin una shaqeeyaan dowladaha adduunku, gaar ahaan kuwa dalalka horay u maray.

qormadaan gaaban waxaan ugu tala galay in eey dhalin yarada yaryar ee jiilka soo koraya ah aay ka faa,iideystaan iyo madaxda soomaliyeed ee caburinta ku saxaafada.

faafannews

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *