waa su,aale maxaa inoo diiday midnimada jidwaaq

Filed under: CIYAARAHA |

Midnimadu waa xooga ay ummaduhu ku difaacaan sharaftooda iyo karaamadooda , kagana hortagaan khataraha waaweyn ee salka ka rujin kara jiritaankooda , sidoo kale waa arinka u sahla inay muquuniyaan cadowgooda,horumarna ka sameeyaan hardanka siyaasadeed ee aan la hurayn.

Midnimadu  waa deyrka ay umaduhu iska wareejiyaan si ay isaga xaydaamaan balaayooyinka uu cadawgu la gaafwareegayo, waana dhufayska ay ka galaan dhagaraha loo maleegayo ee lala maagan yahay.

Hadiisa ay dhacdo in ummadaasi ku fashilanto hanaankii midnimo ee looga baahnaa  waa calaamad muujinaysa in ummadaasi ayna hananka Karin jiritaan ay ku naalooto, kartina u yeelan Karin inay caga badan ku sii taagnaato .
Midnimadu waa furaha harumarka ,Horu marku waa bartilmaameedka ay ummaduhu  ku taamayaan inay haleelaan, xoog iyo xoolana isugu geeyaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen .

Hadaba haday rabto ummadi inay ku Talaabsato isbadel muuqda oo ay ka samayso dhamaan dhinacyada ay rabto inay horumar ka gaadho, una aydo mustaqbalka dhow & ka fogba, kana baxdo khaanada loo yaqaan IN EEY MAGACOODA RAG LA MID AH EEY MATALAAN oo macnaheedu yahay (kuwa LA QARIYEY MAGACOODA ) waxaa la gudboon ummmadaas sidii ay u midayn lahayd fikirkeeda & tamarteedaba .

Arimaha lama dhaafanka ah ee aanay  la,aantiis marnaba suuro gal ahayn inay ummadi samayso horumar ay ka midho dhaliso kuna xasisho waa midnimo & iskaashi dhex mara dhamaan xubnaha ay ka kooban tahay.

waxaan odhan karnaa midnimadu waa bar bilowga horu marka .
Midnimadu waa sababka ay ummaduhu ku xaqiijiyaan himilooyinkooda una maraan inay  gaadhaan hankooda.

Marka laga tago binu aadamka xitaa xayawaanka ayaa gartay inaanay suura galin karin ujeedooyinkooda illaa ay cagta la helaan wadada midnimada.

Hadaan tusaale u soo qaadano shinida oo aan aragnay xajmigeedu inta uu dhan yahay, hadana waxaan is weydiin karnaa  muxuu yahay arinka u sahlay inay samayso maadadan qiimaha badan           ( malabka) ee aan la soo koobi karin faaiidooyinka ay u leedahay binu aadamka?

Waxaan ku micnayn karnaa inuu yahay iskaashiga layaabka leh ee ay ka dhex abuurtay xubnaha ay ka kooban tahay, waana tafsiirka aan siin karno  guushan amaanta mudan ee aan marnaba la moogaan Karin.
Bal Aboorka eeg siday ugu suura gashay inuu dhidbo dudumada lixaadka leh ee uu ka qotamiyay arlada guudkeeda?

Miyaanay ahayn midnimo, miyayna ahayn is af garad & hawl loo dhan yahay oo mid walba oo iyaga ka mid ahi gartay qabtayna wixii isaga kaga aadanaa.

Aboorkuba alleykuu dhisaa aqallo waaweyne

Markaan aragnay daartuu ebyay baa la ashqaraaraaaye
Waa suaale Maxaan innagu midnimada ka weynay?
Wadamada horumaray waxay qorshayaashooda koowaad ku darsadeen sidii ay u heli lahaayeen xulufo & gaashaanbuur ay iska kaashadaan arimaha dhaqaalaha,milatariga ,siyaasada iwm

taasi waa ta keentay in maanta yurub isu habarwacato,dajisana istiraatiijiyo cusub oo ay ku wajahdo caalamkan, kuna talaabsato inay midayso lacagteeda, qorshaysana inay noqdaan hal wadan oo hal meel looga arimiyo.

Maraykanka oo ah wadamada maanta caalamka ugu tugtugta roon ayaa wada hindise la magac baxay (Union of North America) oo uu doonayo inuu ku gaashaan buuraysto wadamada Canada & Mexico kaas uga dan leeyahay inuu helo cudud kale oo isaga ka baxsan .

Waa suaale muxuu maraykan oo ku dhaw 300 oo milyan  xulufo u raadinayaa  JIDWAAQ  oo hal milyanahina midnimo u saluugeen?
Gabyaa soomaaliyeed baa yidhi

amaan ma lihid shacabkoow hadaan aad u fiirsadaye
anfariirka Shiinaha dhigay ee Yurub ka uugaantay
ee Alif malyuun gaadhayaa waa Fartaa qudhahe!
idinkoon Ardaa buuxin baad kala irdhoowdeene!

JIDWAAQOW dad badan oo iyagu nasiib u helay inay ku hoos noolaadaan dawlad iyo nidaam ayaa hadana si ay u ilaashadaan xuquuqdooda aasaasiga ah  waxay samaysteen iskaashatooyin ay ku dhawrtaan  sadkooda iyo cadkooda, kuna soo dhacsadaan wixii xuquuqa ee ay tabayaan inay ka maqan tahay, sida dhakhaatiirta,macalimiinta ,shaqaalaha guud ahaan, waxaana odhan karnaa waa dareenka ay dareemeen inaanay nolasha ku wajihi Karin kali kali iyo nin toocsi
Akhristaw waxaas oo dhan waxaa ka horeeya kana mudan inaan xusno in ilaahay kor ahaaye ina faray midnimo iyo wada jir, Nabigeenuna meelo badan oo sunnada ka mida ku cadeeyay sida muslimiinta ay waajib ugu tahay inay midoobaan .

Waa suaale innagu xagaan midnimada kala qaadnay, maxaanse ka weynay?

WALAALKEY JIWAAQOW  waxaa mudan inaan xusno in midnimada aan ka hadlayna loo baahan yahay in lagu qotansho laguna taago tiirar adag oo aan nuuxsanayn, sal iyo aasaasna looga dhigo ilaahay kitaabkiisa & sunnada nabi maxamed calayhi salaatu wasalaam,waana arinka aanay midnimo suura gal ahayn hadaan gacanta lagu qaban

 

Waxaan ku soo koobayaa midnimada waxaa ku jirta liibaanteena aduun & tan aakhiraba , waxaynuna u baahan nahay in aan meel iska dhigno kala qebinta JIDWAAQ oon wada aragno meesha aan maanta soomali kaga jirno in xaquudeenii sharciga ahayd aan la nahay iyo  mashaakilka aan  dhamaadka lahayn ee ina dhaxalsiiyay duruufahan taxana ah ee isu keen waydaaranaya.

Sidoo kale waa inaan u guntano sidii aan uga shaqeyn laheyn midnimadeena  isuna kaashan lahayn, muruq & maskaxna aan isugu geyn lahayn.

Waxaan ku soo xidhay JIDWAAQOW ogow  inaan midnimada  marnaba lagu khasaarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *