Adam Lallana oo kashifay sirtii ka danbaysay guushii ay ka gaareen Arsenal

Filed under: dhacdooyinka |

Laacibka kooxda Liverpool ee Adam Lallana ayaa kashifay sirtii ka danbaysay in kooxdiisu ay guul ka gaarto kooxda Arsenal furitaanka horyaalka ingiriiska.

Adam Lallana ayaa sheegay in tababare Klopp uu la hadlay ciyaartoyda waqtigii nasashada taas oo keentay inay gaarsiiyaan natiijada ciyaarta ilaa 4-1.

Arsenal ayaa la hormartay gool uu u dhaliyay laacibkooda Walcott laakiin Coutinho ayaa ku soo barbareeyay laad xor ahaa dhamaadka qaybtii hore.

“Wuxuu ahaa kulan aad cajiib u ah, sifiican kuma aanaan bilaaban, aad ayeey u adagtahay in marwalba laga hortago Arsenal” ayuu yiri Adam Lallana.

“Klopp ayaa nala hadlay waqtigii nasashada, waana qaadanay wixii uu noosheegay, natiijada ayaana gaartay 4-1, waxaan haysanaa ciyaartoy ku cusub kooxda, walina waxaan ku jirnaa wadadii horumarka”.

“Arsenal waa koox wayn waxaanan ka gaarnay maanta guul, waxaan doonaynaa inaan samayno wax fiican xiliciyaareed kan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *