Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Muqdisho

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Muqdisho

gaari qarax

19 Aug  Muqdisho (FAAFANNEWS)….Gaari la sheegay in ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa ayaa caawa ku qarxay nawaaxiga isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay gaari ay eryanayeen ciidamada dowlada kaasi oo qarxay isagoo marayay isgoyska Siinaay.

Hase yeeshee ma jirto warar xaqiiq ah oo sheegaya qasaaraha ka dhashay gaarigan qarxay. Inkastoo wararka qaar ay sheegayeen in uu qaraxan qasaare gaarsiiyay kaalin shidaal oo ku tiil isgoyska Siinaay.

Warar ayaa sheegaya in dadkii watay gaariga ay ka degeen kahor inta uusan qarxin balse ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada oo la xiriira qaraxan.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo baacsanaayay kooxo hubeysan oo watay gaari ay gaarigii ka carareen ka dibna uu gaarigii sidaasi ku qarxay.Sidoo kale Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay   ciidanka ammaanka inay fashiliyeen  gaarigaasi oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *