9; qof oo ku dhimatay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Gaarisa

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Ugu yaraan 9;qof ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen 20; kale kaddib markii Gaari rakaab ah oo ka soo baxay Nairobi ku dhacay Gaari Booyad ah oo isna ka baxay gaarisa.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Hooyo iyo 3;Carruur ah oo ay dhashay,waxaa kale oo dadka dhintay ku jira labo qof oo saarnaa Booyadda iyada oo 7; kale ay la socdeen Gaariga Rakaabka.

Sidoo kale dadka dhintay waxaa ka mid ah Ardey uu aabbahood u waday iskuul,kaas oo isna uu soo gaaray dhaawac culus,lana dhigay Isbitaal.

Qof ka mid ah Dadka waddada safarka ku soo maray ayaa sheegay in Wadaha Gaariga Booyadda ah uu laftiisa ku qataarnaa Isteeriga Gaariga oo uu si xoog leh ugu dhacay Gaariga kale ee shacabka waday.

Dadka dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaalka Magaalada Gaarisa,iyada oo meydadkana la geeyay Magaalada,saraakiisha Gobolka Waqooyi Bari wali kama hadlin shilka gaari ee saaka ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *