ABDOW AANO QABIIL AAR QABIIL BEY TAGI NIN WALBA QARAABO WAAD LEEDAHAY

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

General Maxamad Yare ayuu ku bilaabay; qoysas buu ka qixiyay dhulkoodii; dhamaan rugihii ganacsiga ayuu albaabada u laabay; biyihii buu ka gooyay xaafado dhan; gawaadhidii buu socodkoodii xakameeyay; maantana Dr Xasan Cabdullahi ayuu gurigiisa ugu dhacay? Dadkaas oo dhani wax dambi ah maanay galin, aan ka ahayn in ay dhiig iyo dhalasho la wadaagaan xubno ka tirsan madaxda Dulmidiid ee ka dhiidhiday dulmiga doqonimada ku dheehan tahay.

Sharci dhigaya ma jiro qof kale waxa uu galay adigaa lagaa jari- mid islaam iyo mid gaalba ka waayay.

Car yaa ii sheegi kara dhaqankan cid kale oo ay ka suurtowdo? In kalmad aad ku hadashay loo xidhi ehelkaa oo dhan? Loola wareegi hantidiinoo idil? Loo dili cidda kula dhalatay. Muslim, majuusi, yuhuudi iyo cid walba waxaan ka suuroobin ayaa Dhaqan u ah maamulka Iley. Waxaan ka necbahay afhayeenadiisa dulmiga ku taageera ee qurbaha jooga.

Balse sharcigaasu hal xeer baa laga helaa; xeer soomaali. Aano qabiil aaro qabiil bay tagi, nin walba qaraabo waa leeyahay. Cabdi iyo Ina Laba Go’le ninkaad kiisa dhibaataysaan, ogow adinkuna kiinay ka jaran tahay. Dulqaadkii dhamaa, xishoodkii dhamaa. Xeer Somali baa lagu kala bixi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *