Agaasimaha Madaxtoyada Soomaaliya oo Soo Saaray Amaro Culus

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Agaasimaha Guud ee Madaxtoyada Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa qoraal uu Soo saaray waxaa uu Madaxtoyada kaga madnuucay Abdirahiim Ibrahim Maxamed oo ahaa Agaasimaha Howlaha Guud ee Madaxtoyada isagoo qoraalkiisa oo Ku socday Taliyaha Madaxtooyada Ku sheegay in loo wareejiyey Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada waxuuna Taliyaha Faray in laga qaado furayaasha xafiiska iyo kaarka aqoonsiga Madaxtooyada Soomaaliya .

Warqada oo u qoran qaab amar lagu siinayo Tliyaha Madaxtooyada waxaa lagu yiri “Hadaba waxaa la idin faraya in aan lasoo deyn karin , lagana wareejiyo furayaasha iyo kaarka aqoonsiga Madaxtooyada maanta” qofka amarka bixiyey waxaa ku qoran Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin, oo qof uu wakiishay uu saxiixay, Waxay ku socota oo lala hadlaya taliyaha ciidamada Madaxtooyada, Ogg-na waxaa la siiyey Abaanduulka Madaxtooyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *