Al-Shabaab oo Afduubtay Mid ka mid ah Gawaarida Doorashadda dalka Kenya

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Mid ka  mid ah Gawaarida Ololaha Doorashada Xisbiga Jubilee ayaa la xaqiijiyay in lagu Afduubtay Waqooyiga Magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Gaariga la Afduubtay ayaa waday Ololaha Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxaan saarnaa koox ka mid ah dhalinyaradda Magaalada Mandera oo waday Ololaha.

Taliyaha Ciidamada Booliska Waqooyiga Magaalada Mandera  Charles Chacha  ayaa sheegay in Afduubkaan uu dhacay Shalay gelinkii dambe , islamarkaana ay uga shakisan yihiin dagaalyahanadda Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in wali ay la’yihiin darawalkii gaariga waday iyo sidoo kale rakaabkii saarnaa.

“ Waxaan helnay Warbixin muujinaysa in la Afduubtay Gaariga kasoo laabtay degaanka Bore Hore oo u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan’ halkaasi oo ay horay u aadeen Kooxda Ololaha Xisbiga Jubilee” ayuu yiri Charles Chacha .

Taliyaha ayaa  sidoo kale tilmaamay in Mas’uuliyiinta dalka Kenya ay aamisan yihiin in Gaarigaasi ay Afduubteen Al-Shabaab.

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayuu sheegay in ay waddaan howlgallo kala duwan oo dadkaasi lagu soo badbaadinaayo.

Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabay in ay tilaabo ka qaadi doonaan  cidwalba oo ka qeyb gasha doorashadda dalka Kenya, waxaana ku simaha Wasiirka Amniga kenya uu horay u sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan Weeraro iyo Afduubyo in ay geystaan  doorashadda inta  lagu gudajiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *