Al-Shabaab oo Odayaal u tababaray toogashada

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Xoogaga Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen tiro Odayaal ah oo ay u tababareen toogashada.

Odayaashan ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha Macalin Aadan ee Magaalada Jilib, waxaana ay ku tartamayaan toogashada (Shiishka) ah iyaga oo wata qoriga AK-47.

Odayaashan oo da’dooda ay kala duwan tahay ayaa waxa ay muddo tababar ku qaadanayeen Magaalada Jilib, waxaana loo tababaraayay toogashada.

 

Sawirro AlShabaab ay soo bandhigeen ayaa muujinayay Odayaal badan oo tartanka toogashada ka qayb galaayay, kuwaasi oo da’dooda ay kala duwan tahay.

Shabaab ayaa horay u tababaray, dhalinyaro, caruur iyo Haween, haddana waxa ay tababar siiyaan Odayaasha si ay uga qayb galaan falalka toogashada ah.

Magaalooyinka Shabaab ay ka maamulaan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla xeryo kala duwan oo Shabaab dadka ay ku tababaraan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *