Al-Shabaab oo soo saaray Magacyada Qoys lagu dilay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe + Akhriso

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Diyaaradaha dalka Mareykanka ayaa duqeyn ka geestay deegaanka Axmed yare oo hoostaga degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,waxana la sheegay in duqeyntaas ay ku geeriyoodeen dad rayid ah.

Qoys ka mid ah dadka ku nool deegaanka Axmed yare ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen duqeyntaas,waxaana Magacyada dadkaasi soo saaray Al-Shabaab waxayna kala ahaayeen.

Hoos Ka AKriso Magacyada dadka.
1:- Sheekh Maxamed oo ay la geeriyootay Xaaskiisa.

2:- Muudeey Xuseen oo adeer u ahaa Sheekh Maxamed.

3:- Sheykh Nuur Xaaji Garweyne oo qabay gabar uu dhalay Sheekh Maxamed.

4:- Cabdi Naasir oo uu dhalay Sheekh Maxamed.

5:- Cali Nuur Sheekh Nuur oo ay ilma’Adeer ahaayeen Sheekh Maxamed.

6:- Shariif Sheekh Ooyaaye, oo ay ilma’Adeer ahaayeen Sheekh Maxamed.

 

Marka laga soo tago Warkaan ay soo saareen  Ururka Al-Shabaab ayaa hadana waxaa war-Saxaafdeed ay siwadjir ah u soo saareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamada Milatariga Mareykanka ee Africa ee loo yaqaano AFRICOM,waxa ay sheegeen in lagu dilay 7 ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *