Al-shabaab oo Toogtay Askari Kenyaati ahaa+Sawirro

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARK,WARARKA MAANTA |

Mu’asasada Al-kataa’ib, garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Muqaalka askari ka Tirsanaa ciidamada Kenya oo la tooganayo kaasi oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay Saldhiga Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Filimkan ayaa lagu soo bandhigayaa maxbuus Kenyaati ah oo fariintii ugu dambeysay u diraya dadkiisa Islamarkaana ugu dambeyntii la khaarijinayo.

Muuqaalkan oo la daawan karo muddo 13 daqiiqo ah ayuu maxbuusku kula hadlayaa dadkiisa, dowladiisa, eheladiisa iyo saaxiibadiisa.

Fariinta Maxbuuska.

Marka uu dhameeyo wixii fariin iyo dardaaran ah ee uu u hayo dadkiisa iyo dowladiisa ayaa waxaa soo dul istaagaya dagaalyahan katirsan Al Shabaab, ka dibna dhowr xabadood ayaa looga dhufanayaa madaxa iyo qeybaha sare ee jirka.

Dhamaadka filimka, waxay Mu’asasada Al-kataa’ib dadka Kenyaatiga ah dib u xusuusisay in Maxbuuskan uusan ahayn maxabuuska kaliya ee ku jiray gacanta Al-shabaab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *