AL-Shabaab oo Xaqiijiyey geerida Cali Max’ed Xuseen (Cali Jabal)

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Bayaan ay Soo saareen Ururka Al-Shabaab ayna ku Saxiixnaayeen Hogaankooda Sare ayay ku sheegeen in Cali Max’ed Xuseen (Cali Jabal) uu ku geeriyooday Duqeyn lagu beegsaday oo ka dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose, Bayaanka ayaa lagu sheegay in hogaanka Xarakada ay ka Tacsiyeenayaan Geerida Cali Jabal.
Warka kasoo baxay Ururka Al-Shabaab; ayee uga hadleen Taariikhda Cali Jabal, iyo Xilalkii uu kasoo qabtay xarakada Alshabaab, sidoo kalane waxay ku sheegeen in uu ahaa Shaqsi Shaqada ku fir-fircoon.
“Waxa uu ahaa nin ku dadaala in cid walba uu siiyo xaqa uu leeyahay xitaa hadday yihiin xaywaanada, Waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyey oo mamnuucay in xoolaha la rarto lagu hogaamiyo liijaan bir ah. Wuxuu ahaa mid ku ad-adag go’aanadaas, isagoo ku celcelin jiray in xaywaanaatku ay leeyihiin xuquuq ayna tahay in la dhowro” ayaa lagu yiri Bayaanka.
Ururka  Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii lagu dilay Cali Jabal uu dhacay 7-dii Dul-Qacdah 1438 Hijrida, dhanka kalane ku beegan 31-dii Luuliyo 2017.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa 11-kii Bishaan Sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka ay iska Kaashadeen Weerar Cali Jabal lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

Allsaaxo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *