AMISOM Oo Diyaarisay Wajiga Ugu Dambeeya Ee Howlgalkooda Soomaaliya

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa shirka dhacay waxaa lagu go’aamiyay diyaarinta wajiga ugu dambeeya ee howlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo ay ka wadaan Gudaha dalka Soomaaliya.

Shirkaas waxaa Madal joog ka ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Madeira iyo Saraakiil kale.

Francisco Madeira  ayaa sheegay inay diyaariyeen Dukumiinti ay ku qeexan yihiin howlgallada AMISOM ee 2019-2021,isla markaana uu qeyb ka yahay qorsho Ciidamada Dowladda loogu wareejinayo amniga dalka Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa intaasi Raaciyay in qorshahaas uu sidoo kale ku xiran yahay inay si wadajir ah u saxiixaan Midowga Afrika iyo Taliyeyaasha Waddamada Soomaaliya ay Ciidamada ka joogaan.

Danjire Francisco Madeira ayaa qaba in Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda kaliya aan looga baahneyn La dagaalanka Ururka Al-Shabaab,  Balse ay muhiim tahay inay qabtaan qorshayaal la xiriira mshaariic oo taageero looga heli karo dadka Rayidka ah.

Si kastaba Soomaaliya waxaa haatan ku sugan oo howlgal Nabad ilaalineed u jooga kumanaan ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ka kala socda wadama badan oo afrikaan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *