“Amniga Magaaladda Muqdisho Waa 100% ”,! Yaa Yiri?

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ka hadashay qaraxii gaariga loo adeegsaday ee xalay ka dhacay wadadda Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Hoteelka Ambassador iyo Isbitaalka Darushifa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaliya Axmed Maxamuud Maxamed(Sayid Carab) oo wariyayaasha la hadlay markuu qaraxa dhacay kadib ayaa sheegay in qaraxaas uu dhacay xili ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ay howlgal ka wadeen wadadda Maka Almukarama ilaa isgoyska KM4 ee Degmada Hodan.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha in qaraxa la doonayay in lagu waxyeelo shacabka Soomaliyeed, balse qasaaraha ka dhashay qaraxa uu aad u kooban yahay.

Axmed Carab ayaa sheegay in qaraxa oo gaari lagu xirey uu dhacay xili ay Wadada Maka Almukarama ay Howgal amni xaqiijin ah ay ka wadeen Ciidamada Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta caasimadda.

Inta la Xaqiijiyay 4-qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyootay qarax gaari lagu soo xirey oo xalay Maqribnimadii ka dhacay wadadda Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa Hoteelka Ambassador iyo Isbitaalka Darushifa ee Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *