baarlamaanka faderaalka soomaliya ma ku saxan yahay inuu tastuurka wax ka badalo xiligaan

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Video:-Baarlamaanka fadaraalka oo bilaabaya wax ka badal dastuurka ah oo muran ka taagan yahay

baarlamaanka fadaraalka

17 Aug Muqdisho (FAAFANNEWS)…Guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka ayaa maanta aqalka horkeenay ilaa shan cutub oo ka mid ah dastuurka oo ay soo jeediyeen in laga sameeyo dood.

Dooddan ayaa noqon doonta mid ka mid ah doodaha ugu dambeeya ee uu yeelanayo baarlamaankan ka hor inta aanu waqtigu ka dhammaanin.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo doodi maanta ka qaybqaatey ayaa sheegay in ay tahay wax lagu qoslo iyada oo muddo aad u yar ay u harsan tahay in dastuurka meelaha ugu xasaasin la yiraahdo waxbaa laga bedalayaa iyada oo muddo afar sano ah lagu qaban waayey. Xildhibaano kale ayaa qaba in la galo dooda wax ka beddelka dastuurka.

Shirkii u danbeeyey ee Madasha Hoggaanka Qaranka ayey ku heshiiyeen in wax ka beddelka qabyo qoraalka dastuurka loo daayo baarlamaanka la soo dooran doono bisha Oktober 2016.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 Halkan ka Daawo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *