Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miizaaniyada Soomaaliya 2017

Filed under: WARARKA MAANTA |

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta meel mariyay  doodii ka taagneyd Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee sanadka 2017-ka.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,waxaana inta badan soo xaadiray xildhibaanada.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo Xildhibaanada hortagay ayaa ka hor jeediyay qudbad la xiriirtay muhiimadda ay leedahay in la meel mariyo miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee sanadka 2017-ka.

Intaas kadib  waxaa la  guda galay in cod loo qaado ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

 

Xildhibaano gaaraya 167 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda Soomaliya, halka ay diieen 2-xildhibaan, mana uusan jirin Xildhibaan ka aamusay codeynta.

Shir guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ay tahay mid ansax ah, maadaama si aqlabiyad leh Xildhibaanada ay ku meel mariyeen, isla markaasna uu go’aankaan yahay mid waafaaqsan sharciga iyo dastuurka Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda baarlamanka Soomaliya ayaa diidanaa ansixinta miisaaniyadaan oo dadaal dheer ku bixiyey inay ka hor imaadaan balse maanta ayay wasaaradda Maaliyadda ku guuleystay in loo mariyo sharciga maaliyadda.

Muranka miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee sanadka 2017-ka ayaa inta badan ka taagnaa lacagaha loo qondeeyay Maamulka Hir-shabeelle, oo xildhibaanadda kasoo jeeda maamulkaas ay diidanaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *