Beelwayta cawliyahan ee gobalka afdheer oo ku soo biiray kacdoonka shacabka Dulmi Diid waana soo dhawaynaynaa

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Waxgaradka kasoo jeeda gobalka Afdheer ee kusugan cariga mareykanka ayaa si buuxda ugu soo biirey kacdoonka Dulmi-diid. Waxgaradka oo maanta shir kulayeeshay hogaamiya-yaasha Dulmi-diid ee kusugan magaalada Minneapolis ee cariga mareykanka ayaa cadeeyey inay qeyb ka yihiin kacdoonka Dulmi-diid ayna diyaar uyihiin inay heeryada cabsida iska tuuraan xaqooda iyo xuquuqdoodana u istaagaan ayakoo kaashanaya walaalahooda ay isku dalka,, danta dadka iyo diidntaba yihiin.

Waa arin lagu farxo aadna loosoo dhaweeyo in gabi ahaanba beelaha Soomaiyeed ee deegaanka Soomaalidu ay umidoobaan sidii xaqooda iyo xuquuqdooda ay kuheli lahaayeen.

Wakhtigii umaddu u afxidhnaan jirtey Cabdi iyo afar odey oo isku reer ah waa laga gudbey ee midnimada umadda Soomaaliyeed ee wada dulman halaga shaqeeyo, kuwa beesha ay magaceeda wataan mideyn kari waayey yaan laga filan inay Soomaali mideeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *