Bishaaro cusub

Filed under: DIINTA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Waxaad ogtihiin in dhamaan dawladaha reer galbeedku ay mudaba indhaha ka qarsanayeen tacadiyada, kufsiga iyo ku tumashada xuquuqda aadana ee kajira maamulka deegaanka soomaalida iyo meelo badan oo kamida Itoobiya.

Hada sanadka cusub waxaa soo kordhay in ay jiraan kacdoono isku xidhan oo cabashadoodu meelo badan gaadhay. Hadad ku nooshahay wadamadan soo socda fadlan lahadal xubinta baarlamaanka ee ka soo baxay xaafadaada kuna dheh sidan;

“Xil dhibaan waxay dawladeenu u taagantahay inay gudaha wadankeena iyo caalamkaba laga hir galiyo dimuqraadiyad cadaalad iyo dhawrida xuquuqda aadamiga, maxay tahay sababta ay dowlada aad wakiilka iiga tahay indhaha uga qarsanaysaa dhibaatooyinka iyo ku tumashada xuquuqda aadamiga ee aan xadka lahayn ee ka socota deegaanka soomaalida. Una sheeg cida aad taqaan ee u ololaysa maamulka cabdi ee wadanka kula dagan, si sharciga loogala noqdo maadaama oo uu/ay wadan horumaray ka dhex wado caawinta ku tumasho xuquuqda aadanaha?

wadamada laga qabanayo howshan : Europe, kanada, maraykanka, Ustaraaliya, iyo newsiland,

Fadlan balanso xildhibaabka kuu fadhiyo dowlada dexe oo u sheeg arintan una gudbi magaca iyo telefoonka, Facebook, Twitter ka qofka u ol oleeya maamulka Soomaalida deegaanka kajira. Fadlan la socodsii hadii xubno ka socda maamulka yimaadaan wadanka aad ku noo shahay xafiiska police kugu dhow iyo halka ay xaflada ku qabanayaa si loola socdo dhaqdhaqaaqooda iyo cida caawinaysa ee hurboodaysa. Tani waxay mudo gaaban ku soo afjaraysaa maamulka xaflad joog inay yimaadaan wadankaaga iyo inay xogdanbe ka helaan gudaha wadanka aad dagan tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *