Burcad Koonfur Afrikaan Lacago Baad Ah Ka Qaadi Jirey Ganacsato Soomaali Ah Oo Maxkamad Kasoo Muuqday

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Shabakadda Wararka ee News24.com ee dalka Koonfurta Afrika ayaa Daabacday in 4 burcad ah lagu soo oogay inay Ganacsato Soomaali ah oo dukaaman ku leh Deegaanka Delft  oo u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Ceptown  ka qaadan jireen Lacago baad oo ay ku sheegeen inay Ganacsatada ka difaacayaan Kooxaha Burcadda hubeysan ee soo weerarta.

Eedeysanayaashaasi waxaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda Bellville oo u dhow Magalada Ceptown, iyagoo lagu soo eedeeyey inay Goob kasta oo Ganacsi oo ay Soomaalida ku leeyihiin Deegaanka Delft ka qaadi jireen lacag dhan 2,000 oo ah lacagta laga isticmaalo dalkaasi ee Rand.

Garsooradda Maxkamadda oo lagu magacaabo Zakiira Mohamed ayaa sheegtay in Gnaacsade Soomaali sheegay in qori laagu cabsi geliyey, xilli uu ku sugnaa Goob lagu ciyaaro, loona sheegay inuu inuu Gnaacsatada kale ka soo qaado Lacagaha Baadda ee Ilaaladda Dukaamadooda.

Waxay kaloo sheegtay inay Burcadda dhowr jeer tageen goobaha Gnacsiga ee Soomaalida, kana dalbadeen inay bixiyaan Lacagaha iyaga lagu ilaaliyo.

Koox Soomaali ah oo tiradooda lagu qiyaasay 40 qof ayaa la sheegay inay Dibadbax ka dhigeen bannaanka Maxkamadda, iyagoo ku baaqayey inaan Eedeysanayaasha damiin lagu sii daynin.

Dhinaca kale, Garsooradda waxay diiday in Eedeysanayaasha lagu sii daayo Damiin Lacageed, waxaana Dhegeysiga Kiiskooda dib loo dhigay ilaa bisha Janaayo 30-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *