Ciidamo tababar loogu soo xiray Kismaayo

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

ku dhawaad 150 Askari  oo ka mid noqon doona ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 43-aad ayaa tababar loogu soo xiray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ciidamadaan ayaa loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan dagaallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee gacanta ku haya qeybo badan oo ka mid ah degaanada maamulka Jubbaland.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 43aad Cismaan Axmed Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada ay waxbadan kusoo kordhin doonaan dagaallada ka dhanka dagaalyahanada Al-Shaabab.

Ugu dambeyntii  Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ciidamadaan tababarkooda ay dowladda ka caawisay dowladda Itoobiya, islamarkaana loogu tala galay in ay ku sugaan amniga degaanada maamulka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *