DAAAW:- Wasiir Juxa oo ka hadlay Amar RW. Khayre ku Rogay Wasiirada “Shaqadeena Fasax u Qaadan mayno”

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Cabdi Faarax siciid (Juxa) Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Soomaaliya ayaa wax laga weydiiyey Wasiirada Warbaahinta laga mamnuucay ogaansho la’aan, isagoo La hadlayey BBC waxaana la waydiiyey

“Wixii la xidhiidha Shaqadayada Ogolaansho Uma Qaadan doono, Shirkan anigaa Qaban qaabiyey waa Shaqadayadadii, Laakiin hadii aan ka hadlayo waxyaabo aan Shaqadayda ahaan Malaha Taasi ayaa loo jeedaa “ Ayuu yidhi Juxa.

Dhinaca kale mar la waydiiyey inuu Isticmaalo Baraha Bulshada ayaa wuxuu sheegay  “Waan isticmaalaa, Laakiin waan Aqaan waxaan gelinayo iyo waxay tahay inaan ka Fiirsado Intaba” 

Dhowaan ayaa Xubno ka tirsan golaha wasiirada waxay siyaabo kala duwan uga hadleen Weerarkii ka dhacay Bariire, Taasi oo keentay in RW. Khayre uu soo rogo Go’aano ku saabsan inaan Wasiiradu  baahin war aan Xukuumadu isla ogayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *