DAAWO: Kaniisad laga furay Hargeysa

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa waxaa laga furay Kaanisad lagu sheegay in ay ku cibaadeysan doonaan dadka aan Muslimka aheyn.

Maria Vechhinno oo ah haweenay Kirishtaan ah kuna sugan Somaliland, ayaa sheegtay door wayn inay ku laheyd dib u furista Kaniisad ay ku cibaadeystaan dadka Kirishtaanka ah ee ku sugan Somaliland, taasi oo laga furay Magaalada Hargaysa.

Haweenaydaan Kirishtaanka ah ayaa sheegtay markii Somaliland ay imaanaysay inay u timid laba arin oo kala ah waa mida koowaad hawl la xiriirta mutadawacnimo, iyo sidoo kale qorshaha labaad oo ah sidii dib loogu furi lahaa kaniisada ay ku cibaadaystaan dadka haysta Diinta Kirishtaanka ee Somaliland ku sugan.

“Mudnaan weyn ayeey ii tahay in aan Somaliland u joogo laba hawlood oo mutadawacnimo ah, asalkeygii hore Somaliland waxan u imid hawl mutadawacnmo ah, waxaana ay aheyd dib u furista kaniisada Kaatooliga oo dib looga furay Somaliland, taasi oo xirnayd 30-kii sano ee la soo dhaafay.”

Shacabka kunool degaanada maamulka Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya Furista Kaniisadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *