DAAWO ; Qalbi dhagax Timeline Sirculus iyo Qaabkii Loo dhiibay

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

wax badan ka ogow qaabka eey wax u socdaan .

Arrin aan in mudda ah ka shakisanaa, ayaa waxaa ii xaqiijiyay suxufi aan saaxiib nahay. Magaciisa shaaca ka qaadi maayo, aniga oo dhawraya nolashiisa gaarka ah iyo nabaddiisa.

Waxaan iska wareysannay arrimo dhawr ah oo wada xasaasiya. Waxaa ka mid ahaa wiilasha iyo gabdhaha ku hareereysan Madaxtooyada iyo xafiisyada dalka iyo dadka looga arrimiyo. Waa dhallinyaro aan wax shaqa ah ka heyn xafiisyada qaranka, misana habeen iyo maalin kama dhex baxaan qasriyada dalka laga hago.

Waxey ku noolyihiin hoteello qaaliya. Waxey u kala gooshaan maamullada dalka oo dhan. Waxey heystaan lambarrada telefonada madaxda dalka oo dhan. Waxey safarro u aadaan dalalka dariska na la ah iyo kuwa Carabta iyo kuwa Reer Galbeedka. Cid ay u shaqeeyaan garan maysid. Waa jawaasiis dabagureysa tillaabo kasta oo la qaado. Waa dallaaliin u kala dab iyo dhimbil qaada duulal iyo quruun baas oo ishu qaban. Wuxuu ii gu dhaartay, in qaar ka mid ah hoteellada Magaalada Muqdisho ee ku hareeraysan Madaxtooyada, ay ku xiran yihiin qalab casriya oo lagu dhageysto Taleefoonnada madaxda iyo qof walba oo maanta masuula.

Wuxuu kaloo yiri; “Bal ka warran, markaad aragto wiil ama gabar kuu sheegeysa xog xasaasiya, misana hoteel jiifta, maalmo ka dibna dhoofeysa?!” Dalku wuxuu la ciirciirayaa basaasiin sokeeye iyo sirdoon qalaad, waxaana na loo soo adeegsaday kuwa nagu gibil ah, nagu diin ah, nagu af ah, oo misana nagu dhaqan ah, balse, Eebbe iimaanka iyo damiirka tiray! Laamaha Sirdoonku waa in ay si degdeg ah u dhabbagalaan arrintaan, oo wiilashaan iyo gabdhahaan yaacayana laga qabto waddanka.

DAAWO SIR CULUS ;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *