Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Turnbull oo sheegay in la fashiliyay Weerar diyaarad lagu soo ridi lahaa

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Ciidamada booliiska dalka Australia ayaa la sheegay in ay fashiliyeen weerar la qorsheenayay in lagu soo rido diyaarad, waxa ayna ciidamada xireen dhoor qof oo lagu eedeeyay in qorshaha weerarkaasi ay maleegayeen.

Ra’isul Wasaaraha dalka Australia Malcolm Turnbull ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ka hortageen weerar argagaxiso oo lala damacsanaa in diyaarad lagu soo rido, waxa uuna tilmaamay in ciidamada ay xireen afar nin oo la tuhmayo.

War kasoo baxay baarayasaha kiiskan gacanta ku haya ayaa lagu sheegay in la helay warbixin ku saabsan in la diyaarinayay qorshe la doonayay in lagu qarxiyo diyaarad, waxaana qaraxaasi loo adeegsan rabay waxyaabaha qarxa ee lagu sameeyo guryaha.

Malcolm Turnbull ayaa sheegay in xaalada hada ay tahay mid degan lagana hortagay qorshihii ay maleegayeen kooxaha argagaxisada ah, waxa uuna tilmaamay in howlgal weyn ee ciidamada fuliyeen lagu soo qabtay koox si weyn loo tuhmayo

Howlgal ciidamada amaanka Australia ka fuliyeen qaybo badan oo ka tirsan magaalada Sydney ayaa lagu soo qabtay afar nin oo si weyn loo tuhmayo, waxaana ragan xiran hada ku socda baaritaan adag oo ku saabsan weerarka la sheegay in ay qorsheenayeen.

Haweeney sheegtay in wiilkeeda iyo seygeeda ay mid ahaayeen dadkii la qab-qabtay ayaa waxa ay beenisay in ay wax xiriir ah la lahaayeen kooxaha xag-jiriinta, waxa ayna tilmaantay in warkan laga faafiyay ninkeeda iyo wiilkeeda aysan waxbo ka jirin ayna yihiin dad caadi ah.

Amaanka dalka Australia gaar ahaan garoomada diyaaradaha ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dadka loogu baaqay in ay is dajiyaan , waxaana heerka halista ee argagixisada dalka Australia wali gaarsiisan yahay meel sare.







Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *