DAAWO:- Wasiir Maareeye”Waxaa la hirgelinayaa xarun lagu mideynayo adeegyada dowladda ay u hayso shacabk

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu kormeer ku tagay xarunta Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho,isagoo u kuurgalaya sidii halkaasi looga hirgelin lahaa adeegyo casri ah oo loo qabto bulshada.

Wasiir  Maareeye ayaa kormeerey qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi,wuxuuna xusay in halkaasi dhawaan laga hirgelindoono xarun loogu talagalay in lagu mideeyo dhamaan adeegyada ay bulshada u qabtaan dhamaan hay’adaha kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya.

“Waxaan  maanta halkan ku nimid kormeer aan ugu kuurgalayno sidii loo heli lahaa  goob aan ka hirgelino adeeg casri ah oo shacabku u sahlaya in ay waxyaabaha ay uga baahanyihiin dowladda ay ka helikaraan,waa arrin aan kaga dayaynayno dowladaha horumaray,tusaale waxaa la isugu keeni doonaan dhamaan adeegyada shacabku ay ka helaan dowladda Soomaaliya,sida”. Ayuu yiri Maareeyey.

Dhanka kale Wasiirka Ganacsig iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka digay in la boobo dhul ay leedahay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,isago xusay in lagula xisaabtamidoono qofkasta oo ku xadgudba hantida dadweynaha,gaar ahaan dhulka Wasaaradda,wuxuuna intaasi ku daray in dalka uu ku socdo horumar iyo maalgashi si dib loogu dhiso Warshadihii uu dalku lahaa,islamarkaan ay shaqo ka helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *