Daawo Yaabka dhacay :Ninkii Mindida dadka ku dilay Hambrug oo Kuraas lala dhacay iyo Turki nolasha ku qabatay !!

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Dad gaari watay ayaa Video qarsoon ka duubay qaabkii nolasha loogu qabtay Nin Mindida dadka ku dilay magaalada Hambrug , kaas oo ugu dambeeyntii si xun loo galay ka dib markii Kuraas iyo dhagaxaan lala dhaca.

Ninkaan ayaa Tooreey ku dilay 50 sano jir Jarmal ah wuxuuna dhaawac xun gaarsiiyay 7-Qof oo kale . Falkaan ayaana lagu sheegay mid Argagixiso ku lug leh in kastoo ninkaan oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta laga deyriyay xaaladiisa caafimaad .

Booliiska Germany ayaa shaaciyay in 3 Wiil oo Turki ah ay ka qeyb qaateen qaabkii nolasha loogu qabtay Ninkii dadka ku dilay Mindida maadaama ay la dhaceen Kuraas iyo dhagaxaan ka hor inta uusan baxsan , waxaana goobtii shilka uu ka dhacay si deg deg ah ku soo gaaray ciidamada Booliiska Jarmalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *