Dad lagu xasuuqay dalka Pakistan

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Ciidamada xoogga dalka Pakistan ayaa sheegay in 11 qof lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay meel u dhow xero meleteri.

Sidda ay xaqiijiyeen Ciidamada Weerarkan ayaa ka dhacay Waqooyiga Galbeed ee dalkaasi Pakistan gaar ahaan meel ciyaaro ay ka socdeen.

Goobtaasi ayaa waxaa joogay dad daawanaya ciyaar halkaasi ka socotay oo kubbadda Koleyga ahayd.

Kooxda Taliban ee ka dagaalanta gudaha dalka Pakistan ayaa weerarkan sheegatay inay iyagu qaadeen.

Kooxdaan Taliban ayaa joogitaan xoog leh ku leh gudaha dalka Pakistan weeraro badana halkaasi ka gaysta.

Pakistan iyo wadanka ay dariska yihiin ee Afghanistanba waxaa weeraro ku hayay sanado badan kooxda Taliban oo labada wadanba ka howgala.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *