Dadkii lagu Xasuuqay Bariire oo Maanta Muqdisho lagu Aasay

Filed under: CIYAARAHA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Waxaa Maanta mudo Lix maalmood kadib ah la aasay dadkii lagu dilay 25,kii Bishaan weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kuwaas oo gaaraya ilaa 10, Ruux.

Meydadka dadkaan ayaa lagu hayay cosbital Madiino ee Magaalada Muqdisho kadib markii Ehelada dadkaas ay shaaciyeen in aan la’aasi doonin ilaa dowladda ay ka cadeyso cidii dishay dadkaas.

Aaska waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,oo uu ka mid yahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow,waxa ayna sheegeen in heshiis dhex maray dowladda iyo Ehelada dadkaasi Maanta suurtagashay in la Aaso

Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi wasiiro ah u magacaawday in ay baaritaan dhab ah ka keenaan sababta ka dambeysa in dadkaas la laayo,iyada oo Maanta ay ku egtaahay waqtigii loo qabtay Guddiga.
dhanka kale Dowladdu waxey bixisay $130,000 (boqol iyo sodon kun oo dollar ) oo duug ah waxaana sidoo kale lagu heshiiyay in halkii qof ay Dowladdu ka bixiso mag dhan $70,000 (todobaatan kun oo dollar ) oo u dhiganta 100 halaad, lacagtaas waxaa lagu bixin doonaa 3 bilood gudahood oo isniinta ka bilaabaneysa, meydadkii ayaa hadda la aasaya.
Marxuumintii Bariire cadalaadbey heleen

Sawiiro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *