Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Marka

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARK,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku  qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Marka,wuxuuna dagaalka ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar madaafiic ahaa ay ku garaaceen Xaafadaha magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ee kala gaaray labada dhinac.

Wararkii u dambeeyay ee Saakay naga soo gaaraya Magaaladda Marka  waxa ay sheegaaan in haatan xaaladda ay dagan tahay islamarkaana Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay Howlgal ka wadaan Magaaladas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *