DAGALKEENA SHACABKA AYAA MIYIR QABA

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Qurbe-Joogta & In-dheer garadka Jidwaaq Ayaa cabasho Qoto-dheer aadna ay ula gar-naqsanayaan maamulkooda ama dawladooda soo jeediyay, Cabasho gobanimo wax-badana ay xeerinayaan af-kana ay ka dhawrayaan xurguf & xumaan oo idil ayay si reer magaalnimo iyo xilkasnimo ku dheehan tahay U gudbiyeen !

Maamulka JIGJIGA laba mid baa u banaanayd alle’se ma Waafajin

> In dawladdu dhibka uu shacabku sheegay ay wakhti geliso si xeeldheer ay usoo baadho, baadhitaan kedib hadii uu rumoobo dhibkii ay gogol fidiso
shacabkana garawshiyo siiso
Wixii dhibta keenayna Dib loogu feejignaado bartaasna laga wada Jaan & Jiib qaado !

> In dawladdu baadhitaan kedib Beeniso iyadoo cadaynaysa qodob-qodobna u dul istaagaysa cabashadii soo yeedhay, badalkeedana Iyaddu (dawlad ku sheega baas) ay wax xeeriso halka badalkeeda shacabku doorkii dawlad iyo shacabnimaba qaatay

Labadaas arrimood een kor ku xusay waa fal-celinta laga filan karo dawlad degan oon uusan Nin waalani majaraha U haynin “waayahay” maxaase Xigay ?

Hadaba maxay noqotay Jawaabtii Dawladdu ?

•FUCK YOU & Magafe Hebel babaasiir baa ku taala Dee
• Hebel Aabihii Shilin Ma siiyo DEE, Ma taqanaayeey
• hebel Hebel muu dhalin Ee hebel baa dhalay Dee, een een
• IYO niman waan-waalan oo intay kudaafadaha kasoo kaxeeyeen caytama ku yidhaahdeen, waar illaahay caadilsanaa Maxaa dawladan & wax is-waxeeya uun afkoodii baray)

(Hadda waa jawaabtii Dawladda Ee wax aan samaystay maaha)

(Bal hadda garo weli beeshii JIDWAAQ intaas oo jeer ayay waayeeloodii iyo dhalinyaradoodii saxaafad la hadleen weli sidoodii gobanimadda lahayd ayay u hadleen eegana u hadlayaan dhaqankii xumaana kamay fal-celin)

Bal illaahay baan idinku dhaarshee intaynaan odhanin Ogaadeen baa loo jeeda Shacab dawladoodii ka cabtay & fal-cellinta dawladdu Ma isku mid baa ?

Ma shacabka ayay ahayd inay siday dawladdu u hadashay u hadlaan ?
Mise dawladda ayaa laga rabay inay sida wanaagsan Ee shacabku u dhaqmay u dhaqanto ?

Inaga dagalkeena shacabka ayaa miyir qaba oo nabadda tuuga shacabkeena ayaa ilaaliya xeerka soomaaliga+ xeerka sharciga, dhaqanka, edebta, diinta, iyo kala-danbaynta

Dawladeenuna intii bilic & wanaag shacabku dhisay dhawray dabadeed qurxiyay ayay dawladdu Dumisa

Xoogaa yar oo sixid ah ( halayga raali ahaado hadaan weedha dawlad ku cel-ceshay waxaan dhawrayay sidii JIDWAAQ baaqoodu daaranaa inaan wax kabadal ku sameeyana maan rabin)

Xagayga & dhamaan inta meeshaas dhaqan taqaan Dawlad kama aha Ee Waa ka gangs !

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *