DEG DEG: Mid kamid ah Wasiirada Somalia oo Ka bad baaday Qarax Miino oo gaarigiisa Loogu Xiray Magaalada Muqdisho.

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

MUQDISHOW  (FAAFANNEWS) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Somalia Wasiir Nuux ayaa Goordhow oo Caawa ah ka bad baaday qarax la doonayay in lagu qaarijiyo.

Wasiirka ayaa la sheegay in Qarax loogu xiray Gaarigaasi kadibna uu qarxay Gaarigaasi inkastoo Wasiirku uu ka bad baaday.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxaasi ku dhowaad 4 ruux oo isugu jiray dad rayid ah iyo askar katirsan Ciidamada Dowlada Somalia.

Waa Wax ku Cusub in Qarax Lagu Xiro Gaadiidka wasiir katirsan Xukuumada Somalia hayeeshee waxaa dhacda in Qaraxyo Miino iyo kuwa Gaari lagu soo xiro lagu weeraro Masuuliyiinta Dowlada .

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah

FAAFANNEWS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *