DEG DEG: Qaraxyo Ismiidaamin ah oo Goordhow ka dhacay Magaalada Gal-kacyo

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

gaalkacyo (FAAFANNEWS) Wararka hadda naga soo Gaaraya Magaalada Gal-kacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow ay ka dhaceen Qaraxyo ismiidaamin ah.

Goobjoogayaal ku Sugan Gal-kacyo oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in maqleen Qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay Gudaha Magaalada Gal-kacyo.

Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen Dhanka Woqooyi ee Magaalada Gal-kacyo Waxaana la la eegtay Xarunta Dowlada Hoose ee Gal-kacyo.

Ruux Goobjooge ah Ayaa Sheegay in Qaraxyada oo Ahaa Labo Gaari oo Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa lagu Qarxiyay Xarunta Dowlada Hoose oo ku Dhow Suuqa Dayax Dhanka Woqooyi ee Magaalada Gal-kacyo.

Qasaaraha ka dhashay Qaraxyadaasi ilaa iyo iminka lama oga .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *