DF “Sarkaal Shabaab ah ayaan dilnay”

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARK,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Image result for somaliyaWararka laga helayo degaan Toora-toorow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan Dagaal halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo ururka Al-shabaab in lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yariisow) ayaa war kooban oo uu ku soo qoray bartiisa Facebooka waxa uu ku sheegay Dagaalkaasi in lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab, una qaabilsanaa qarxinta iyo qaarijinta ka dhacda Mudisho, waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka.

Amarka weerarkan lagu qaaday ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya in uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo aan la xiriirno si arrintan aan uga helno faah faahin dheeraad ah waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.

Weerarada sida gaarka ah ee ay Ciidamada Mareykanka uga fuliyaan Soomaaliya waxa uu ka soo baxa Taliska Mareykanka ee AFRICOM kadibna waxa meel mariya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo).

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa masuuliyiintooda oo la hadlay Risaala waxa ay sheegeen in uu xumaaday xiriirka wada shaqeynta ah ee u dhaxeeya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ee ku sugan gobolkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *