Dhageyso:-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Maanta Xukun ridday+Sawirro

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |
 Muqdisho-(Faafannews.com) Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidmada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta Xukun dil toogasho ah ku riday laba nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka mid ka mid ah Odayaashii Xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Baydhabo.

Suldaan Hilowle Xeefow Xuseen,ayaa Maxkamadu sheegtay in ay ka dambeyeen dilkkiisa labadaan nin,balse markii dambe Gacanta lagu soo dhigay.

Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Goobta kag dhaqaaway Xukunka lagu riday raggaan.

Hoos Ka Akhriso Magacyada ragga la xukumay

Xasan Cali Xasan Keeroow 23 jir ah ina edebo xasan ibraahin ku dhashay Bakool.

Iyo C/raxmaan Ciise Cali fiidoow 20 jir ah ina Shukri sheekh siyaad ku dhashay Xamar degan Dayniile.

Hoos Ka Dhageyso Codka Maxkamada kan DAAWO Sawirrada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *