DHAGEYSO:- Soomaaliland oo Kaga digtay Shacabkeeda in ay yimaadaan Muqdisho

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |
 War kasoo baxay Maamulka Soomaaliland ayaa waxa  lagu sheegeen in Shacabkooda ay uga digayaan  in ay u socdaalaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland Xuseen Axmed Cige (Deyr) oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho aysan aheyn mid ammaan ah,islamarkaana lagu dilo dadka ka soo jeeda deegaanadooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga doonayo Shacabka Soomaaliland ay aysan ku degdegin in ay tagaan Muqdisho.

Hadalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ee ah in aysan ammaan aheyn Magalada Muqdisho weli wax jawaab ah kama bixin dowladda Federaalka Soomaaliya.

W/Q Hussein Xalane 

Halkan Hoos Ka Dhageyso 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *