DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar qorsheysan ku qaaday Muqtaar Roobow..

Filed under: WARARKA MAANTA |

Ciidamo badan oo Al Shabaab ka tirsan ayaa xalay waqti dambe waxa ay weerar qorsheysan ku qaadeen Degaanka Abal oo uu ku sugan yahay Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo saddex sano ka hor ka baxay Ururka Al Shabaab.

Muqtaar Roobow iyo ciidamo badan uu wato waxa ay ku sugan yihiin dhulka hawdka ah ee degaanka Abal.

Abal waxaa ku yaallo dhul buuro ah oo kayn ah, sida dadka yaqaana ay ku sheegaan waxaa adag in laga saaro Koox hubaysan oo meeshaasi gashay, maadaama ay tahay meel buuro ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi ayaa u sheegay Risaala inay ka war hayaan dagaalka Shabaab ay ku qaadeen Roobow, kaasi oo la sheegay inuu bilowday Saakay.

Wuxuu sheegay Wasiirka inaysan ogeyn dagaalkaasi khasaaraha ka dhashay, balse ay la socdaan xogta ku aadan weerarka Shabaabka ay ku qaadeen Muqtaar Roobow.

Mareykanka ayaa dhawaan liiska waxa loogu yeero argagixisada wuxuu ka saaray Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah hadda Sarkaal ka madax Banaan Ururka Al Shabaab.

 

Audio Player

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *