DHAGEYSO:-  Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ku Jees jeesay Danjire Haysom Kana Waramay Sababta Ay U Ceeriyeen Safiirkaas

Filed under: WARARKA MAANTA |

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey sababta ay uga Mamnuuceen Dalka inuu kasii shaqeeyo Danjire Nicholas Haysom.

Mr Cawad waxa uu sheegay in Gaf weyn uu sameeyey Danjire Haysom sidaa awgeedna ay dacwad ka gudbiyeen ayna Dalka inuu kasii shaqeeyo ka mamnuuceen.

Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey Saaka Idaacada BBC SOMALI waxa uu tibaaxay in uu udhaqmay Wakiilka QM Ee Arimaha Soomaaliya sida inuu yahay Madaxda Dalka uuna ku xad gudbay Qaranimada Dalka uu leeyahay sida uu yiri.

Waxa uu ku jees jeesay Wasiir Cawad,isagoo sheegay in Shuruucda Qaramada Midoobeey,uu garanayo uuna kasoo shaqeeyey balse aysan aheyn mida uu sameeyey Nicholas Haysom mid looga aamusi Karin oo ay Dacwad ka gudbiyeen.

Go’aanka Dawlada Federaalka Soomaaliya qaadatay ayaa laga cabsi qabaa inuu abuuro Xiisad siyaasadeed oo hor leh.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *