Dhalinyaro Kenyaan ah oo ku biiray Al-Shabaab

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Qaar ka mid ah dadka kunool degaanka Marsabit ee Dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaro badan oo kunoolaa degaankaasi ay ku biireen Al-Shabaab todobaadyadii lasoo dhaafay.

Waxa ay sheegeen in qaar ka mid ah Culimadda degaanka ay ka qeyb qaateen in dhalinyaraddaasi ay ku biiraan Al-Shabaab.

Waaliddiinta Carruurtooda ay ku biireen Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay todobaad kasta dhamaadkiisa ay 5 ka mid ah Culimada degaanka qabtaan muxaadarooyin carruurta lagu jecleysiiyo aragtida xagjirnimada islamarkaana loogu biiriyo Al-shabaab,iyaga oo ka codsaday in dowladda wax badan ka qabato arrintan.

 

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayay tilmaameen qaar ka mid ah dhalinyaradda degaanka ay biireen Al-Shabaab, iyadoo ay arkaayaan waalidiintii dhalay.

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro qorsheysan ka geysta degaanada ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo sidoo kale Magaalo xeebeedyadda dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale jira dhalinyaro badan oo ku biiray Al-Shabaab kuwaasoo weerara Gudaha dalka kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *