Dib udhac Ku Yimid Doorashada M/weynaha Hirshabeelle

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Guddiga doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa shaaciyay in doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo lagu waday in ay dhacdo 12-ka Bishaan  dib loo dhigay.

Doorashadda ayaa lagu waddaa in ay dhacdo 16-ka Bishaan oo ku beegan sabtida soo socota sida ay shaaciyeen Guddiga doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Guddiga doorashadda waxa ay sheegeen in waqtigaasi aysan dhaafi doonin doorashaddda Madaxweynaha.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa gaaray Musharaxiin kuwaa soo ku hardamaya Xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay , waxaana goobta lagu qabaanayo doorashadda Ammaankeeda  sugaya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *