Dowladda Kenya oo hawada ka saartay TV-yada Citizen iyo NTV

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay hawadda ka saartay TV-yadda Citizen iyo NTV kuwaa soo oo lagu eedeeyay in ay tabinaayeen dhaarinta Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga.

Dowladda ayaa sidoo kale hawadda ka saartay Idaacaddo ku yaalla Magaalada Noirobi ee Caasimadda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Jimcihii isugu yeertay Madaxda Warbaahinta waxaana ay ku hanjabtay in ay hawada ka saari doonto warbaahintii tabisa munaasibadda dhaarinta Raila oo ay dowladda diidday.

Madaxda Warbaahinta ayaa kasoo horjeestay hadalka dowladda, waxaana ay sheegeen in ay tabin doonaan.

Banaanbaxyo lagu taageerayo dhaarinta Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa ka socda Magaalooyin ka tirsan dalka Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *