Dowladda Soomaliya oo Loo Soo Gacan Galiyay Sarkaal Ka Tirsan ONLF

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxa ay ka sameeyeen howlgal aysan galmudug ka warqabin waxayna kusoo qabteen  Sarkaal ka tirsan jamhadda ONLF.

Sarkaalkaan ayaa lagu magacabaa C/ Xakiin Sheekh Muuse ( QalbiDhagax) oo mudo kusiman 15 Sano ku noolaa Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Xarunta Dhexe ee Nabad Sugida Somaliya ee Muqdisho ayaa bixisay sida wararka ay sheegayaan amarka ah in gacanta lagu soo dhigo Sarkaalkan si looga badbaadiyo Ciidamo uu watay Janaraal Maxamed NuurGalaal oo si aad udoon doonayay Qalbi Dhagax si ay ugu wareejiyeen Sirdoonka Itoobiya.

Janaraal Galaal oo katirsan Booliska Aduunka ee InterPol ayaa qaatay howlgalka lagu soo qabanayo ninkan balse waxaa barbar socday qorshayaal ay wadeen Nabad Sugida Somaliyaoo saldhigyo waaweyn ku leh magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudugiyo Galgaduud.

17-Kii Bishan ayey markii Ciidamo katirsan Nabad Sugida Galmudug qaadeen howlgalumuuqday inuu ahaa mid qorsheysan kaasoo lagu soo qabtay C/ Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ku sugnaa meel maqaaxi ah, waxaana loo sii gudbiyay Cadaado.

Gelinkii danbe ee Jimcihii shalay ayaa Sarkaalkan ONLF katirsanaa waxey diyaarad gaar ahka soo qaaday Garoonka Magaaladda Cadaado, waxaa loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay inuu ka caroodayhowlgalka NISA ay Muqdisho ugu soo wareejiyeen xubintan katirsan Jabhada ka dagaalantaIsmaamulka Somalida Itoobiya.

TABOYE: Hussein Xalane 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *