Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Gedo

Filed under: WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Wararka naga soo garaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in duqeyn culus oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay in laga Leeyahay wadamada Maraykanka iyo Kenya in laga geystay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalkaas.

Deegaanada duqeymuhu ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Tuulo-Barwaaqo iyo Tuulooyin ku xeeran oo hoosta Degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo halkaasi oo la rumeysan yahay inay fariisimo ku leeyihiin maleeshiyaadka Al-shabaab qeybtooda Galbeedka Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan oo ku sugan deegaanka Tuulo-Barwaaqo diyaaradaha ayaa riday hubka culus waxayna beegsadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-shabaab.

Diyaaradaha mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay duqeymaha ay la beegsadaan Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *