Faah faahin:- Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Filed under: CIYAARAHA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa qarax gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka gaar ahaan ka soo horjeedka Hotel Wehliye ee dhanka degmada Waaberi.

Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo la sheegay in la soo dhigay goobta.

Qaraxa kadib Ciidamada ammaanka oo markii horeba la sheegay in ay hayeen xogta gaariga oo goobta soo gaaray ayaa afarta jiho rasaas u diray, iyaga oo durbadiiba xiray wadada.

Saraakiisha Gaadiidka gar gaarka deg dega ah e Ambalaasta ayaa warbaahinta Risaalau sheegay in halkaasi ay u direenqaar ka tirsan shaqaalahooda, si ay uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Saddex qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan burbur xoogan oo soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ka akdhow.

Shaqaalaha gobolka Banaadir u qaabilsan qeybta Nadaafadda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howlo nadaafadeed, si ay u soo celiyaan bilicdii wadada.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay tahay goob aad u camiran, maadaama ay ka furan yihiin goobo ganacsi, waxaana xilliyadii galabkii soo fariista dad aad u fara badan oo goobtaasi ku shaaheeya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *