FAALLO:- Khilaafka Hir-shabelle:-“Ma Fowdo Siyaasadeed ba, Mise Faafreeb Maamul?!

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Hirshabelle, Maamul-goboleed ka kooban labo gobol oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cinwaannada wararka warbaahinta Soomaaliyeed ee Afka hooyo iyo Ajnabigaba wax ku qora waxaa qabsaday ku-dhawaad 48-kii, saac ee u danbeysay sheekooyin ku qotoma khilaaf u muuqda mid sad-bursi ah oo ka aloosmay mas’uuliyiinta dowlad-goboleedka da’da yar ee Hirshabelle.

Maalmahan ayey isasoo tarayeen tuhummada loo jeedinayay Cali Cabdullahi Cosoble, oo ay  xildhibaanno sheegteen inay xilka ka xayuubiyeen iyagoo u cuskanayo qodobo ay salka u geliyeen Takrifal, Xil-gudasho la’aan iyo ka maqnaashaha magaalada maamulka xarunta u ah ee Jowhar. Ilaa intee ayey xalaal tahay eryidda madaxweynaha?-Eedeymahaasi ma yihiin kuwii saxda ahaa?-haddiiba ay haa tahay, maxaa dadajiyay?-ha la dadajiyee maxaan warbaahinta oo marqaati ku filan ama mas’uuliyiin kale loo martigelin?-Mise waxaa jirtay ujeedo dano kale huwan? waa weydiimaha u baahan in laga warceliyo, oo aan isku dayayo inaan jawaabahooda kula  wadaago.

Maamulka Hirshabelle oo ku dhismay dedaal dowladdii u danbeysay u gashay inay isu keento oo ay hal maamul yeeshaan dadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe si loo dhameystiro qorshihii caalamka taageerayay ee Hiisiga cusub-“New Deal”,-loona ebyeeyo dowlad-goboleedyada dalka ka dhimayay ka hor doorashadii federaalka, waxa uu soo maray marxalado isaga badnaa tijaabo-awoodeed iyo turanturooyin, maxaa yeelay waxay durba isqabteen dowladdii federaalka gaar ahaan dhinaca maareynta dakhliga.

Xalaalnimada Xil-ka-qaadista madaxweyne Cosoble.

Xildhibaannada golaha wakiillada Hirshabelle oo bartamihii bishii October ee sanadkii 2016-kii, doortay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa maanta la shaaciyay in xilka laga xayuubiyay isna waxa uu ka koobanyahay, sida dastuurka qabo 117 xubnood, laakin 19 ka mida ah wali lama dhaarin taasi macnaheedu waxaa uu yahay in haatan 98 xildhibaan ay sharciyad heystaan.

Fadhiyada caadiga ah kulamada golaha wakillada waxa ay ku furmi karaan 50+1, taasoo cod-qaadistuna ka dhigeyso Hal-dheeri, balse kuwa xasaasiga ah waa inay soo xaadiraan 66-xildhibaan oo ka mid ah 98-ka mudane markaasoo cod-qaadistuna noqoneyso saddex meelood labo inay dhinac u janjeersadaan.

Fadhigii 14-kii bishan August, qabsoomay oo ay gudoomiye ka ahayd gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha, warbaahinta waa laga mamnuucay inay xaqiiqda ka soo waramaan taasoo tuhun gelineysa xalaalnimada xil-ka-qaadista, kuna darsoo ma jirin nuqullo la soo bandhigay kadib go’aanka la gaaray, si ugu yaraan loo waafajiyo, oraahda leh “Xalaal Dharaar cad ayaa la qashaa” marka qiyaasahaas la qaato waxaa soo baxeysa jawaabta ahYolkeeni wan gaarnay, taasoo sii wiiqeysa rajada laga qabay xoojinta maamulka curdinka ah.

Saxnimada Eedeymaha la soo bandhigay.

Eedeymaha golaha wakillada gaar ahaan xildhibaannada sheegtay inay xilka ka qaadeen madaxweyne Cosoble, waxay ku eedeeyeen arrimo ay ugu weyn tahay Xil-gudasho la’aan, taasoo dabcan ay xaq u leeyihiin inay kula xisaabtamaan iyagoo matalaya dadka labada gobol ee dagaal-qabiileedku daadashay.

Aan ku yara xusuusiyo madaxweynaha dowlad-goboleedku waxa uu 1-dii August, soo saaray wareegto lagu aqoonsaday inay degmooyin yihiin Halgan, Ceel-Cali iyo Far-Libaax iyo isla 9-kii, bishan uu ku magacaabay Feerfeer, Buq-Aqable, Moqokori iyo Buurweyn taasoo wadarta degmooyinka gobolka Hiiraan gaarsiisay 12-degmo. Waxaa jirtay xildhibaanno ka gaduuday go’aanka madaxweynaha iyagoo u garbinaya in deegamada ay ka soo jeedaan laga dhigo degmo sax ah sida Jawiil oo ay ka soo jeedo Marwo, Canab C/llaahi Ciise, gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha wakiillada. Marka halkaas laga tixraaco sow sheekada ma noqoneyso waa Kaaf iyo Kala dheeri.

Xil-ka-qaadista Gudoonka iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Maalin kadib markii xilka laga xayuubiyay Cosoble, xildhibaanno shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegtay inay xilka qaadeen gudoomiyihii  golaha wakiillada Sheekh Cismaan Barre, oo go’aankii hore ayiday iyo ku-xigeennadiisa, waxay taasi ku beegntay saacado uun kadib markii isaga iyo madaxweynaha oo Jowhar gaaray kadib uu baraarihiisa caddeystay taasoo lama filaan noqotay. Isla maantana xildhibaanno kulmay ayaa ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cali Guudlaawe.

Malaha waad ka qiyaas qaadan kartaa in xaalku yahay Middi, Middi ku Taag. Oo loo kala baxay labo garab, sababtoo ah gudoomiyaha baaralamanka waxa uu si KMG ah xilka ugu iclaamiyay sida dastuurku qabo, Cali Guudlaawe, isagana wuu aqbalay.

Kaalinta Dowladda iyo Gunaanad

Dowladda federaalka ah oo ay waajib ku tahay inay ku baxdo xaaladaha noocan ah ayuu madaxweyne Cosoble afka ku ballaariyay inay abaabulka wax ka ogtahay amaba leedahay iyadana iskama fogeyn.

Waa suuragal inay jiraan dedaallo aysan warbaahinta helin oo ay bixinayaan madaxda federaalka laakin waxaa qadiyadda sii ololin kara hadallada xanafta leh ee ka soo yeeraya xildhibannaada dhexe oo kala Ayiday qaraarada iska soo horjeeda.

Dagaallo sokeeye, burbur hantiyeed, barakac, qaxootinimo, ayey keenaan Khilaafyada siyaasadda ee qaaradda Afrika. Damaaciga dufan-doonka ah ee aan danta qaran iyo dihane kheyraadka aan dabeecad lagula dul noolaado lahayn ayaa soo daashaday guud ahaan qaaradda gaar ahaan Geyiga Somaliyeed. Khubarradu waxay qabaan in ismaandhaafkani u baahanyahay inIndho Gorgor lagu eego halka uu salka ku hayo si loogu guntado gacan-siinta dhibanayaasha abaaraha iyo dagaallada mudada rubuc-qarniga ka badan ay isu biirsadeen.

W/Q. Abubakar Maxamed Cali.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *